Madaxda Maamuladda Puntland iyo Jubba Oo Wada Qorshe Cusub

0
285

Kismaayo (INO) — Hogaamiyaasha Maamuladda Jubba iyo Puntland ayaa billaabay Qorshooyin Gurracan, oo ay ku doonayaan inay ku bur-buriyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Qaranka matalaysa.

Teaser Image Axmed Madoobe & C/wali Gaas oo isku kaashanaya ‘Bur-Burinta Qaranka’ - Warbixin

Puntland &  Jubba ayaa waxaa Maanta ka socdo Kulamo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, waxaana Axmed Madoobe uu sheegay in isaga & C/wali Gaas aysan aqoonsaneyn Baarlamaanka federaalka, islamarkaana ay dhisayaan Baarlamaan cusub.

Qorshan Madaxweyniyaasha Maamulada Jubba iyo Puntlan  ayaa soo shaac baxay markii Maalintii Shalay uu Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kala diray Baarlamaanka Jubba kadib markii si aan sharci ahayn loo dhisay.

Maamulka Jubba  ayaa sheegay in Kismaayo uu kasoo saarayo dhamaan Gudiyada & Madaxda Dowladda Federaalka ah ee ku sugan Magaaladaasi, waxaana uu diiday in Maleeshiyadiisa lagu biiriyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Markii uu Axmed Madoobe la wareegay Kismaayo 2012-kii, waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Jubbooyinka & Gedo, isagoo aan wax taageero ah ka haysan Shacabka Goboladaasi & Dowladda Dhexe.

Dagaalkii Kismaayo ka dhacay 2013-kii kadib oo Axmed Madoobe & Ciidanka Kenya uga awood roonaadeen Hogaamiyaal kale oo awood kula tartamayay ayaa waxaa Shir ka dhacay Addis Ababa loogu aqoonsaday Axmed Madoobe inuu yahay Hogaamiye KMG ah inta laga dhisayo Maamul Goboleed Federaalka ah Bisha Agoosto, 2015 oo nagu soo food leh.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here