Daawo:Barcelona Oo Markii 5aad Ku Guuleysatay Koobka Horyaalnimada Yurub

0
633

Madrid(INO)Ciyaar xiiso badneyd oo lagu soo afjarayay Tartanka Horyaalnimada Yurub ee Champions League ayaa waxay caawa ku dhexmartay Garoonka Olympic Stadium ee Magaalada Berlin Kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Ciyaar adag oo labada kooxood dhexmartay ayaa waxaa 3–1 ku adkaatay, koobkana ku qaadatay kooxda Barcelona oo koobkan uu u yahay midkii shanaad oo ay qaaddo. Barcelone ayaa 3 jeer ku guuleysatay koobka Horyaalnimada Yurub muddo 6 sanadoodn ah.

Goolaha ay ku badisay Kooxda Barcelona waxaa u kala dhaliyay: Rakitic oo daqiiqaddii 4aad gool ku furay 4 Suárez oo daqiiqaddii 68aad goolkii 2labaad dhaliyay iyo Neymar oo daqiiqaddii 90aad gool ku quusiyay Juventus. Goolka ay ku badisay Kooxda Juventus waxaa daqiiqaddii 55aad u dhaliyay ciyaaryahan Morata.

Waxyaabaha goonida ah ee dhammaadka tartanka horyaalnimada Yurub laga xusi karo ayaa waxaa ka mid ah in Kooxda Barcelona ay noqotay Horyaalka Kooxaha Yurub, Xavi oo ciyaaraha guul kaga fariistay iyo Juventus oo markii 6aad Final-ka Champions League looga adkaaday.

Koobkan waxaa horay min shan jeer u heystay kooxaha Liverpool iyo Byer Munich, waxaana hadda ku biirtay Kooxda Barcelona.
BarcaBarca1Barca2Barca3
Juventus

Idale News Online, Madriid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here