Kismaayo(INO)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed C/raxmaan, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga horyimid ansaxintii uu Baarlamaanka Somaliya ansaxiyay in sharci daro lagu soo dhisay Baarlamaanka Jubbaland.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo horey u soo gudbiyay Mooshinkaasi, ayaa waxay sabab kaga dhigeen, in si sharci daro ah lagu soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, ayaa si adag u sheegay inaanu wax saamayn ihi ku yeelan doonin ansaxinta Mooshinka, isla-markaana ay sii wadan doonaan hawlahooda shaqo, sida uu yiri.
Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu si kulul uu u beeniyay in si sharci daro ah lagu soo xulay Xildhibaanada, laguna soo dhisay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.
Wuxuu soo hadalqaaday furitaankii Baarlamaanka Jubbaland in uu kala soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), halka caleemo saarkii Xildhibaanada Baarlamaankana ay kala soo qaybgaleen Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, beesha caalamka iyo dalalka deriska.
Mar uu eedeymo u jeedinaayay Xildhibaanada ansaxisay Mooshinka, ayaa wuxuu yiri “Meel cidlo bay tixraacayan kuwa hadda dhahaaya majirto, waa niman aan u jeedin dowladnimada iyo federalka, iyagaa meesha la fadhiya sharci daro.”
Markale wuxuu yiri “Sharciga Somaliya ayay ku tumanayaan, waa niman aan wadaniyiin ahayn. Baarlamaanka waa loo dhan yahay, Baarlamaankan waa sax, sida ugu sax-sanna lagu soo dhisay.”
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ka digay in weji kale loo yeelo Mooshinkii maanta la ansaxiyay, lana ilaaliyo sharciga.
Idale News Online, Kismaayo