Daawo:Dagaallo Dhex-maray Ciidamada Sucuudiga iyo Xuuthiyiinta Yemen iyo Gantaal lasoo Riday

0
341

Sancca(INO) — Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa Shaacisay in Dagaal Saacado socday ay xuduudda dalkoodu uu la wadaago Yemen kula galeen xoogag ka tirsan Xuuthiyiinta Shiicadaha ah eek a dagaalama dalka Yemen.

Dagaal_Sucuudiga_iyo_Yemen

Wakaaladda Wararka dalka Sacuudiga ayaa baahisay in Deegaanno lagu magacaabo Jizan iyo Najran ay Xuutiyiinta iyo ciidammo Taageeraya weerar kusoo qaadeen, iyadoo xustay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen tobannaan ka mid ah kooxaha Weerarka soo Qaaday.

Xukuumadda Saudi Arabia kama hadlin khasaaraha dhankooda dagaalladaas kasoo gaaray, sidoo kalena ma aysan sheegin in deegaannada la weeraray laga Qabsaday iyo in kale.

Sidoo kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay inay soo ridday gantaal ay ku sheegtay magaciisa SCUD oo ay kusoo rideen Xuutiyiinta dalka Yemen, waxayna saraakiil u hadlay Sucuudiga ay sheegeen in Gantaalkaas oo la soo tuuray xalay ay Hakiyeen Gantaallada loo yaqaan Patriotiga.

Halkan Ka Daawo


Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa intaas ku daray in in Gantaalka ay ka Hor-tageen lagu soo ganay Magaalada Khamiis Mashiid oo ka Tirsan Magaalooyinka Gudaha Saudi Arabia ku yaalla.

Gantaalkan ay kooxaha Xuuthiyiintu ku Weerareen dalka Sucuudiga ayaa sare u sii qaaday Duqeymaha Cirka ah ee Sucuudiga iyo xuluafdiisa ay Yemen ka Geysanayaan, Kuwaasoo ka dhan ah Xuuthiyiinta dalkaas ka dagaalamaya.

Isbeheysi uu Sacuudigu Hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee  shalay duqeeyay Xarumo fariisimo u ahaa Xuuthiyiinta dalka Yemen, iyadoo wararka Magaalada Sanca laga Helayo ay Sheegayaan in shalay ay ka dhaceen duqeymo culus oo ay geysanayeen Xulafada dalka Sacuudigu Horkacayo.

Kooxaha Xuuthiyiinta ka dagaalama dalka Yemen ayaan weli ka hadlin iska-horimaadyada ka dhacay Soohdinta kala Qaybiya Dalalka Sucuudi Carabiya iyo Yemen iyo Gantaalka ay Sucuudigu sheegeen inay soo rideen.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa imaanaysa ka hor Wadahadallada Nabadda ee lagu Wado in lagu Qabto Dalka Switzerland, kuwaasoo ay Gar-wadeen ka tahay Qaramada Midoobay la rajeynayo inay billowdaan Toddobaadka soo Socda.

Idale News Online, Sancca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here