Dhegayso: Barnamijka Faaqidaadda Ee VOA Dagaalka Ka Socda Xadka Ethiopia iyo Somalia

0
337

Muqdisho (INO) Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay dagaalada iyo xiisadaha ka taagan deegaanada ku teedsan xuduudda gobolada dhexe ee Somalia iyo Ethiopia.

Meydadka Ciidamadda Liyuu Booliska Itoobiya.

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa dhawaan waxa ay duulaan kusoo qaadeen deegaannao ka mid ah gobalka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare culus.

Dagaalka ayaa weji kale isku bedalay, ka dib markii xabadda ay siyaasad isku sii bedashay, iyadoona wararka ay sheegayaan in hadda mas’uuliyiinta baxay ee aaday Jigjiga ay qaab siyaasadeed kusoo xalin doonaan.

Dowladda Itoobiya ayaa canaan kulul u jeedisay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay u sheegeen in marnaba aan loo dulqaadan doonin shacab in la’iska laayo.

Meydadka Dad Shacabka Ah Oo ay ku Ciil Baxeen Ciidamada liyuu Booliska Itoobiya.

Waxa ay taasi keentay in degdeg Cabdi Iley uu u yeero mas’uuliiyiin ka tirsan DF iyo Oday dhaqameed si loo xaliyo dagaallada dhacay iyo wada hadal la furo.

Ugu dambeyntii, Dagaalada oo socoday maalmihii lasoo dhaafay ayaa dhaliyey Khasaare Balaadhan oo naf iyo maal leh, waxaana  Barnaamijka waxa inoo soo diyaariyey, soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.

Sawirkan Waa Ciidamada Gurmadka Ee Beesha Habar-gaidir Ee Dagaalka La Gashey Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya Oo Ka Baxaya Degmada Guraceel.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here