Daawo: Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Ee KGS Oo Ugu Baaqey Umadda Soomaaliyeed Inay U Gurmadaan Dadka Ka Soo Barakacey Dalka Yemen

1
512

Muqdisho(INO)-Wasiirka Awqaafka iyo Diinta Ee Dowladda KGS  Mudane Axmed Maxamed Barre  ayaa Maanta ka hadlay war ku saabsan dhiiro gelin iyo talo u soo jeedin ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed  isagoona Si quto dheer ugu hadley Ahmiyada ay leedahay U Gargaarida dadka Ka Soo Barakacey Dalka Yemen.

Mudane Macalin Axmed Maxamed Barre, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Ee Dowladda KGS  ayaa Ku Baaqey  in loo gar gaaro walaaha Soomaaliyeed Ee ka soo barakacay Dalka Yamen kuwaasi oo awelba qax ku maqnaa Isla markaana hadda Mar labaad soo qaxay in wanaagsan looga Gurmado.

Waxaana uu tilmaamey inay tahay is caawintu  shey diini ah, waxa  kale oo uu taagyeerey Shabakadda 2013 abaabulka ay sameynayaan taa oo uu ku tilmamey inay ah mid ku dayasho mudan Ee u gar gaarida dadka tabaaleysan  Ee Soomaalida ah Ee ka Soo Barakacey Dalka Yemen.

Wasiirka waxa kale uu ka hadlay Bisha Barakeysan Ee Ramadaaan oo Fooda inagu soo Hayso in laga faa’ideysto Dadkuna ay is cafiyaan waxna ay istaraan isla Markaana deriskana laga war qabo madaama ay bishaanu ay tahay mid barakeysan dhamaan Anigoo taladaas u soo jeedinaya Umada Soomaliyeed Gaar ahaan Shacab Weynaha ku Nool Degaanadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir, Mudane  Axmed Maxamed Barre Waxa kaloo mahad u soo jeedinayay DF Soomaaliya, Somaliland,iyo Maamulka Puntland Taageerida Hagar la’aanta ah oo ay la garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed Ee dhibaateysan kana Soo yaacey Colaada Ka Taagan Dalka Yemen.

Si Kastaba ha ahaate,  Wasiirka Ayaa amaaney kaalinta Hey’addaha Samafalka Ee ku howlan Caawinta Dadka Tabaaleysan Ee Soomaaliaya tan iyo Markii ay Burburtey Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya, Waxna carabka ku adkeeyey in aan la  ilaabi dooni Kaalintooda  Isla markaana waxa kale kula talaiyey inay Sii wadaan la tacaalida dadka dhibaateysan waan u duceyneynaa ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Mudane Axmed Maxamed Barre waxa uu sheegey In diyaar  ay u tahay Dowladda KGS  Garab istaaga dadka Masaakiinta ah iyo weliba Dadka Ka Soo Barakacey Dalka Yemen.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho

1 COMMENT

  1. Waa arin loo baahnaa in laga hadlo waana runtiisa wasiirka waxa uuu sheegayo Is cafinta is gargaarida iyo iska warqabka waa masuumka wanaagsan ee dadnimada runtii dadka Soomaliyeed waa dad sama jecel ah waxayna rabaan in ay cadaalad helaan iyo bilow wanaagsan oo laysku haleyn karo
    Mahadsani Sacaadatu waziir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here