Cairo (INO) — Dowladda Masar ayaa la gashay Heshiis Cusub Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan in Xoolaha Soomaaliya loo iibgeeyo dalkaasi Masar.
Wasiirka Xaanada Xoolaha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo booqasho ku tagay dalka Masar, ayaa Magaalada Qaahira kula saxiixday Heshiiska Dhigiisa Wasiirka Xoolaha & Beeraha dalkaasi Dr Saalax Hilaal.
Labada dalka ayaa waxay ku heshiiyeen inay sameeyaan Xariiro dhanka Ganacsiga ah, waxaana xusid mudan in Dowladda Masar ay u balanqaaday Soomaaliya inay ka gacan siinayso horumarinta wax soo saarka Xoolaha & Beeraha.
Xoolaha Soomaaliya oo si aad ah mudooyinkii danbe loogu dhoofinayay dalaka Khaliijka Carabta, ayaa hadda waxay Suuq fiican ka heleen dalka Masar, oo aad u danaynaya Xoolaha dalka Soomaaliya.
Ganacsiga Xoolaha ayaa ka dhigan 40% Dhaqaalaha dalka Soomaaliya, waxaana Dekadaha ku yaalla Berbera, Boosaaso & Muqdisho laga dhoofiyaa Xoolo badan oo isagu jira Geel, Lo’ iyo Ari.
Idale News Online – Muqdisho