Guracel(INO)-Wararka ka imaanaya Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay Deegaano hoostaga Gobolka ku gooraceen dhalinyaro Iskooleey iyo Odayaal ku sugnaa Deegaanada uu dagaalka kusoo laalaabtay.
Ciidamada Itoobiya oo xoog ku galay Deegaano hoostaga gurceel ayaa waxa ay halkaasi kala soo baxeen dhalinyaro Iskooley ah iyo Odayaal islamarkaana ay gooraceen Meydkoodana ay uga tageen goobta ay ku gooraceen.
Deegaanada dadkaasi shacabka ah lagu gooracay ayaa waxaa kamid ah Daanyeerey, Waraabaaye, Tuusan dheere, waxaana sidoo kale dhibaatada ay geysanayaan Ciidamadaasi ka cararay qoysas badan oo baqdin ka qabay inuu saameyn ku yeesho falkaasi gurcan.
Nabadoon Cumar Sheekh Yuusuf ‘’Tarabi’’ ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay si arxan darro ah u dileen dadkaasi shacabka ah oo tiro ahaan ku dhow ilaa 17-ruux oo gabi ahaantooda shacab ahaa.
Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay ku dhiiradeen inay cararaan, waxa uuna sheegay in dadku ay ku dhamaanayaan gacanta Ciidamada Itoobiya.
Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qaado talaabo lagu badbaadinaayo dadka shacabka ah waxa uuna dadka deegaanka ugu baaqay inay is dajiyaan.
Halkan Ka Daawo Sawiradda Midadka Liyuu Booliska
Idale News Online, Guracel