Muqdisho(INO)-Warar lagu kal soonaan karo oo aan ka helnay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’ake ayaa sheegaya in uu Warqad u qoray Ra’iisul Wasaaraha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar Cabdi Ileey.
Warqadaas ayaa la sheegay in ay heyd in Ciidamada Liyuu Boolis ee Soomaalida Itoobiya ay Joojiyaan Dagaalka ay ka wadaan Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya,kaas oo intii uu soconayay ay ku dhinteen Dad kabadan 50 Ruux.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan Aqbali karin in Shacabka ay Mas’uulka ka tahay Maalinkasta la dilo oo la dhaco islamarkaana ay ka Xanuunsaneyso Dowladda Dhexe Dagaalkaasi.
Waa Mas’uulkii ugu sareeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si Toos ah ula hadla Itoobiya Joojinta Dagaalkaasi,marka laga reebo Odayaal iyo Siyaasiin horay u dalbaday Joojinta Dagaalkaasi.
Ugu dambeyntii Lama oga Jawaabta uu ka bixin doono Fariinta loo diray Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Cabdi Ileey ee ah Joojinta Dagaalka ka socda Xadka Labada Dal ay Wadaagaan.
Idale News Online, Muqdisho