Afgooye(INO)-Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka warbixiyay howl galadii u dambeeyay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka.
Mr Siidii oo la hadlayay raadiyaha dowladda ayaa sheegay in tuulooyin badan oo ku xeeran Toora-Toorow ay ciidamada gacanta ku dhigeen, isla markaana isku xireen Wanlaweyn illaa Toora-Toorow.
“Illaa iyo hada waxay ciidamada xooga dalka iyo AMISOM la wareegeen deegaano badan oo hoos taga Toora-Toorow, meelihii ay ku dhuumaaleysanayeen iyo howdkii iyo beerihii dhamaan waa laga saaray Al-Shabaab”ayuu yiri C/qaadir Siidii.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ay haatan wadaan qorshayaal milateri oo ku wajahan deegaanada kale ee ay ku harsan yihiin Al-Shabaab, waxaana uu xusay in dhowaan ay qaadi doonaan howl gallo ballaaran.
Isniintii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen deegaanka Toora-Toorow oo lagu tilmaamay inuu istiraatiiji u ahaa Al-Shabaab, halkaasoo saldhig milateri u aheyd.
Al-Shabaab ayaa haatan ku sugan degmada Sablaale iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana inta badan degmooyinka Gobolka gacanta ugu jirtaa ciidanka dowladda iyo AMISOM.