Kurtunwaarey (INO) — Dab xoogan ayaa Xalay Cagta mariyay Suuq weyn oo ku yaalla Degmada Kurtunwaarey, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dabka ayaa baabi’iyay Suuqa oo lagu iibin jiray Dharka, Daawada Xoolaha & Alaabta Maacuunta ah, waxaana Ganacsatadii lahayd ee xoolahooda ku waayay Masiibada ay codsadeen in la caawiyo.
Ma jirin Cid usoo gurmatay Suuqa gubtay, maadaama xilliga uu ahaa Xilli Habeen ah, islamarkaana aysan lahayn Degmada Gaadiidka dabdamiska, ee lagula tacaalo masiibooyinka noocan ah.
Shacabka Degmada ayaa saakay kusoo toosay Suuqii ay wax ka iibsan jireen ooo gubtay, waxaana ay Maanta helaynin Goobo ay ka iibsadaan adeegyadii ay k aheli jireen Suuqa gubtay Xalay.
Idale News Online – Kurtunwaarey