Muqdisho(INO)-Waxaa Maanta heshiis ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya(USS) iyo Hay’adda Berghof Foundation ee Fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka.
Heshiisaka ayaa ahaa, wax la qabashada Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, oo ay ka mid tahay tababaro la siinayo Macaliniinta dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in wax lagu soo baro, in Jaamacadda USS laga caawiyo dhinaca Cilmi barista iyo in ay kada shaqeeyaan sidii Jaamacadda USS loo Horumarin lahaa dhinaca manhajka.
Waxaa heshiiskaas u Saxiixay dhinaca Jaamacadda Prof. Maxamed Cali Kalaay,oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya halka dhinaca Hay’adda u Saxiixay Madax Sare ee ka socota Hay’adaasi.
Heshiiskaas ayaa ah mid lagu xoojinyey dhinaca horumarinta waxbarashada iyo Tababaro Gudaha Dalka iyo Dibadaba isugu jiro, isla markaana Dhinaca Wafdiga Dalka Garmalka waxaa hoggaaminaayey Mr. Christoph Jaeger.
Ugu dambeyntii, Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa wadaRaadinta Tayadda waxbarashadda Jaamacaddasi, iyadoona Horey u qabatey, Barnaamijiyo wacy-galin ah iyo kuwo looga hadlaayey Khalinta Khilaafka.
Idale News Online, Muqdisho