Daawo: Hay’ada QM Ee FAO Oo Tababar Tayeysan Siinayso Qaar Ka Mid Ah Shaqaallaha Wasaaraddaha KGS

0
375

Baydhabo(INO)-Kulan  Aqoon is waydaarsi ah oo  isla markaana ay isku Kaashadeen Dowladda KGS iyo Hay’ada Cuntadda iyo Beeraha Ee Qaramadda Madoobey Ee FAO ayaa ka dhacey Aqalka madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

fao

Kulanka ayaa waxa ka qiib galey, Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Dowladiisa, DFS, waxgarad iyo Xubno ka socodey xafiiska Hay’ada Qaramadda Midoobey Ee  FAO.

Ugu horeyn Kulanka waxa ka war-bixiyey, Wasiiru Dowladaha Xafiiska RW, Soomaaliya Burci Maxamed Hamza “Kulankan Lagu qabtey halkan, Runtii ujeediisu waxay ahayd  falanqeyn Mashruucyo,  mashruuc kasta oo aan sameyeyno waxaa Naga go’an in aan  wadatashiyo kala sameeyno dowlad goboleedyada Dalka, waxaan rabnaa in mashaariicdeenu ay balaarato’ Ayuu yiri Mr. Burci.

Dhanka kale, Sarkaal sare oo kasocodey Hay’ada FAO Ee Xafiikeeda Soomaaliya ayaa sheegey in Mashruucan ay ka faa’ideysan doona Qaar ka mid ah Shaqaallaha wasaaaradaha Dowladd Koonfur Galbeed Soomaaliya.

” Kulankan ayaa ujeediisu waxay ahayd  in qaar ka mid ah wasaaradaha KG Soomaaliya ay faa’ideystaan Mashuucyo Baydhabo laga  fulinaayo, Hay’ada FAO daalka  ay ka wado Soomaaliya  ayaa qiib ka ah mashruucyada laga fulin doono KG Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka Ha’ada FAO.

3

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha KG Soomaaliya Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa ka hadley Kulan  isagoona ugu  mahadceliyey hay’ada FAO tababaradda ay u qabaneysa qaar ka mid ah shaqaallaha wasaaraddaha KG Soomaaliya.

”  Wasiiru- dowladda  Xafiiska RW Dowladda Soomaaliya iyo hay’ada FAO ugu horeyn waan u mahacelinaya, tan kale  dadaalka Hay’adda  Ee Qaramadda Midoobey  ee FAO  ay Ugu jirto , ilaalinta degaanka iyo   ka hortaga xaalufiinta Dhirta waa arin wanaagsan, in  wax badan nalagu geysto  beeraha iyo Daryeelka Xoolaha Nool ayaa rabnaa ” ayuu yiri madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here