Daawo:Maamulka Gobolka Bakool Oo Daah-Furey 15 Mashruuc Oo Dan-Wadaag Ah

0
450

Xudur(INO)-Degmadda Xuddur ee Xarunta GobolkaBakoolayaaa ka dhacday Xaflad Si xeer saro ah loo soo Agaasimey  isla markaana  lagu  daah-furayey Mashaariic lagu horumarinaayo Degmadaasi.

???????????????????????????????

Xafladaas ayaa waxaa Soo abaabuley Hay,ada DRC/DDG waxa kasoo qeyb galey Dhamaan Bulshada ku dhaqan Degmada Xuddur gaar ahaan Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur, waxaana lagu daahfurey shan iyo Toban (15) Mashrruuc oo 13 kamid ah ay yihiin Dhismooyin halka kuwa kalana ay yihiin Shaqo abuuris loo sameynayo Dadka danyerta ah.

Mashruucan ayaa waxaa loogu   magacdarey Dan-wadaag isla markaana   fulinaayo Hay,adaha DDG/DRC  oo kaalmo kahelayso  Hay’ada SSF ( Somali Stability Fund).

Mashruuca Dan-Wadaag waa aragti ay Bulshada hogaamineyso oo hadafkiisu yahay dib u xasilinta deegaanka, nabadeynta iyo soo kabashada dhaqaalaha ee Bulshada degan Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ujeedada Mashruuca waxa ay tahay in la,isku keeno bulshada ku kala qeybsantey dagaalada, in xal waara looga helo qilaafaadka Bulshada ee soo noqnoqotey, in sare loo qaado wacyiga iyo wadaniyada bulshada iyo in ugu danbeyntii isku xir guud laga sameeyo dhamaan Degmooyinka Gobolka.

Hawlaha la xiriira Dhismooyinka Danta guud taas oo ay Bulshada kaalin mug leh ka qaadaneyaan soo xulashada Naqshadeynta maamulida iyo hirgelinta mashaariicda Waxaana kamid ha.

  • Dhismo Labo MCH oo laga Hergelinaayo Labo Xaafadood
  • Dayactirka labo Iskuul
  • Dayactirka Xarunta Hanuunista (orientation Center)
  • Dhisida Xarunta Maxkamada Degmada Xudur.
  • Dhayactirka Saldhiga Booliska
  • Dhameystirka Isbitaalka Weyn ee Degmadda  Xuddur
  • Dayactirka Xarunta Gobolka
  • Dayactirka Xarunta Degmada Xuddur
  • Dayactirka Wadooyinka
  • Dib u habeynta iyo balaarinta goroonka
  • Qodida Warta

Mashruuca Dan- wadaag ah Waa Mid ay Bulshada ay Hogaamiso isla markaana Bulshada Degaankaasi  ayaa Sheeganaya waxa ay rabto iyo meesha laga sameynaayo, mashruucaasi.

Ugu dambeyntii, Waxa Dad Weynaha Ku dhaqan Degmada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool  Soo Xusheen Gudiyo Maamulaya Mashruucyada, gudiyaashaas waxaa laga Soo doortey Xaafada kala gedisan ee Magalada Xuddur , waxayn kala kooban yihiin Dhamaan Bulshada qeybaheda kala Duwan ee Degmadaasi.

Halkan Ka Daawo, Sawiradda

????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????Idale News Online, Xudur, Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here