Daawo:Madaxweynaha Nigeria Oo La Dhaariyay iyo Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galay

0
401

Abuja(INO)-Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria, xaflad ceelama saar ah oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Abuja. 

buhari-swearing-in
Madaxweyne Buhari ayaa doorasho dhacday Bishii March kaga guuleystay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee dalkaasi Goodluck Jonathan.

Madaxweynaha la dhaariyay ayaa horay u ahaan jiray Hogaamiye Malitari oo xukun adkaa.Waa markii ugu horreysay taariikhda dalka Nigeria oo dowlad ay si nabdoon xilka ugu wareejiso mucaaradka.

Hogaamiyahani milateriga ee xukunka adkaa ayaa caan ku ahaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, oo wuxuu xabsiga dhigay siyaasiin badan. Balse wixii xilligaasi ka dambeeyay waxa uu sheegay in uu qaatay hannaanka dimuquraadiyadda.

 Caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria ayaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tagay Africa caaalamka intiisa kale,waxaana ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyn galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo shalay gaaray magaalada Abuuja ee caasimada dalkaasi.


Inkastoo uu xilal badan horey u soo qabtay, Muxamaduu Buhari, waxa uu aad uga duwan yahay inta badan hogaamiyeyaasha kale ee dalkaasi Nigeria oo muddadii uu xilka hayay ma uusan uruursan dhaqaalo badan.

Waxa uu xilka la wareegayaa iyada oo dalkaasi ay ka jiraan tallaabooyin lagu baritaarayo dhaqaalaha dalkaasi oo ay horseedeen sicirka saliidda ee sii dhacaya iyo musuqmaasuqa 

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Abuja

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here