Daawo: Ururka Mutamarka Ee Caalamka Islaamka Ee Xafiiskiisa Dalka Soomaaliya Oo Heshiis La Galey Xarunta Banaadir iyo TV-ga Caalamiga Ee Somalichanell

0
298

Jiddah(INO)-Ururka Mutamarka  Caalamka  Islaamka  Gaar ahaan  Xafiiskiisa Dalka Soomaaliya  Ayaa  Heshiis la galey, Xarunta Banaadir Ee Aqoon iswadeydaarsiga, Dhaqanka iyo  Horumarinta Bulshadda Soomaaliyeed iyo weliba TV-ga Caalamiga ah Ee Somalichanell.

Cimaan Buube Yuusuf Rooble

Ex. Xildhibaan Mudane Cismaan Buube Yuusuf Roobe oo ah Wakiilka  Ururka Mutamarka Calaamka islaamka ee Xafiiska Soomaaliya iyo Geeska  Afrika , isla markaana ah Xubin ka tirsan Gollaha Mutamarka ee Caalamka Islaamka ayaa Ka war-Bixiyey wax- yaabihii ay ku heshiyeen.

“Maanta waxa Farxad  inoo ah Hadii aynu nahay Ururka Mutamarka Ee Calamka islaaamka, Xafiiskisa Soomaaliya in aan Heshiis  aan la galno, Xarunta Banaadir Ee aqoon isl weydaarsiga, dhaqanka iyo Horumarinta Bulshadda, waxaan heshiis ku gaarney in aan isku kaashano arimaha dhaqanka iyo inaan Asliyeeyno Wadahadlka Bulshadda, Waxbarashadda iyo aqoonta, anigoo hubo in aynu wax badan u fududeyn doono umadda Soomaaliyeed, bacdamaaa aynu nahay  Hay’adaha Bulshadda Rayidka, waxaan go’aansaney in aan kaalin muhiim ah ka qaadano Wanaaga iyo Horumarka umadda Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mudane Ex. Xildhibaan  Cismaan Buube Yuusuf Rooble.

Sidoo kale, waxaa halkaasi  ka Hadley ka dib heshiiska, Agaasimaha  Xarunta Banaadir ee aqoon is weydaarsiga, Dhaqanka iyo Horumarka Bulshadda, Mudane Maxamed Xuseen Qaasim Naaji( Shombe)

“ Haa, waa runtaa, shirkani waxa inooga soo dhamaadey sidii aan ugu tala-galney waxaan rajeynaya inuu noqodo shir ay ka faa’ideystaan  Shacabka Soomaaliyeed hadii ay noqoto Gudaha iyo dibadda, marka isha allah waxaan u mahadcelinaya Gudoomiyaha Xafiiska Soomaaliyeed ee Gollaha Mutamarka Ee Caalamka Islamaanka Mudane Cismaan Buube Yuusuf Rooble oo inoo fududeeyey in maanta aan halkan ku dhameynayno tawqiicgii ama Saxiixi kama dambeyska ahaa” ayuu yiri Agaasimaha Xarunta Banaadir Mudane  Maxamed Xuseen Qaasim Naaji.

Dhanka kale, Waxaa isna  hadal kooban ka yiri Heshiikii ay wada Gaareen Xarunta Banaadir ee e aqoon is weydaarsiga, Dhaqanka iyo Horumarka Bulshadda iyo TV-ga Somalichanell , Madaxa TV-ga Somalichanell  Ee dalalka Carabta iyo Afrika Mudane  C/raxmaan A. Abanuur.

“Heshiiska waxa ka mid ahaa in la badiyo Barnaamijyadda Diiniga ah, wada-Hadalka, Dhaqanka iyo Sports-ka, Heshiiskan hadda waxa uu yahay mab-da’iyan “Ta’thiiru Thaqaafatul Xiwaar”, insh allaha waxa jiri doona kulamo kale” Ayuu yiri  Madaxda TV-ga Somalichanell  dalalka Carabta iyo Afrika Mudane  C/raxmaan A. Abanuur.

Ugu dambeyntii  ururka Motamarka Ee Caalamka Islaamka Ee Xafiiskiisa Dalka Soomaaliya waxa uu qiib- weyn ka  qaadaya Wacy-galinta Bulshadda, Arimaha gargaarka, Geeda Socodka Nabadda Soomaaliya iyo dhaqanka Suuban.

Halkan Ka Daawo

Idale News Onlin, Jiddah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here