Akhriso: Dowladda KGS Oo Diidey Tira-Koobkii Dhawaan La Soo Bandhigey

0
374

Baydhabo(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Maant War-Saxaafadeed kasoo Saartey  tira koobkii  ay soo bandhigtay Wasaaradda qorsheynta iyo kaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Iyo UNFPA oo  Si hordhac ah ay ku sameyeen  Gobolada Dalka Sooomaaliya  isla markaana sida ay sheegeen  la  sameyey inta u dhexeyseysa 2013/2014.

War-Saxaafadeedkan  Maanta  laga Soo saarey Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  waxaa lagu sheegey  in tira koobkaan uusan sax aheyn maadaama aysan suuragal aheyn xaaladda lagu jiro awgeed in si sax ah loo tira koobo Dadka Soomaaliyeed, waxaana War-Saxaafadeedka lagu Sheegey  in hadii Saterlight lagu qaadeyna aan kalsooni badan lagu qabi karin tira koobka Dadka Soomaaliyeed.

War-Saxaafadeedka ayaa Sidoo kale Loogu Baaqey Dowladda DF Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha Caalamiga ah  in aysan isticmaalin Tirakoobkan Cusub isla markaan la isticmaalo  qiyaastii ay sameysey Hay’ada UNDP Sanadkii 1997.

Sahan oo ay samaysay Wasaaradda Qorshaynta intii u dhexeysay 2013-kii iyo 2014-kii ayaa lagu sheegay in Qiyaasta dadka Soomaaliyeed ay yihiin; 12,316,895 (Laba iyo Toban Milyan, Saddex Boqol & Lix iyo Tobaatan Kun, Sideed Boqol & Sagaashan & Shan Qof).

Sikastaba ha ahaatee, Wasiirka Qosheynta Soomaaliya , C/raxmaan Caynte ayaa Dhawaan sheegay in dadka Soomaaliyeed ee lasoo bandhigay tiradooda ay 5% yihiin  Rag, halka 75%  ay yihiin kuwo ay 30-sano ka yar tahay da’dooda, 10% ay yihiin Barakacayaal, 26% ay yihiin Reer Miyi, iyadoo tira-koobkan aysan ku jirin Soomaalida Qurbaha ku maqan.

Ugu dambeyntii Gobollada ay ku Nool yihiin Dadka ugu Tirada badan ayaa lagu kala Sheegay inay yihiin shan gobol oo kala ah; Banaadir, Waqooyi Galbeed, Shabeelaha Hoose, Bay iyo Tagdheer. Halka Shanta Gobol ee ugu dadka yar ay yihiin; Sool, Jubadda dhexe, Bakool, Nugaal iyo Jubbada Hoose.

Halkan Ka Akhriso War-Saxaafadeedka.
ISWA POPULATION ESTIMATION POSITION
Nasir Abdi Arush, MBA
South West State of Somalia

Minister of Planning and International Cooperation
Tel: +252 699 552 552
mopic@iswa.so
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here