Muqdisho(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Lagu soo Gebo-Gabeyey Shir looga Tashanayey hormarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, dardar galinta qorshaha wasaradda waxbarashada xukumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashadda Ee Dowlada Goboleedyadda Dalka Soomaaliya oo ay ku doonayaan in sanadkaan ay ardayda ka soo baxaya dugsiyada sare ee koonfurta iyo bartamaha kaga qaadaan imtixaan midaysan, samaynta manhaj waxbarasho oo midaysan iyo qobada kale ee laxiirta arimaha waxrabashada dalka ayaa lagu soo gabo-Gabeeyey magalaada muqdisho.
Shirkaani oo logu magacdaray aas-aaska wada tashiga midnimada waxbrashada Soomaliyeed isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaradda wax barashada Soomaaliya iyo Wasiiro ka socday mamaul Goboleedyadda Dalka iyo Aqoonyahano, waxana uu socodey mudo 2 cesho ah.
Wasiirka waxbarashada hidaha iyo taclinta sare ee xukumadda Soomaaliya marwo Qadar Bashir Cali ayaa maanta shirkaasi soo xirtey.
Qorshaha wasaradda waxbrasha iyo tacliinta sare ay ku doonayso in sanadkaan ay qaado imxixaan midaysan 24 sano kadib ayaa qayb ka ah hormaradda ku talaabsanyan hay’adda kale duwan ee dowlada federaalka soomaliya.
Ugu Dambeyntii Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa ku tilmaamey Shirkani tilaabo muhim ah oo horseedeysa nabad iyo Horumar Guuleh.
Mustafe Garabey, Idale News Online, Muqdisho