Dhageyso: Shir Looga Hadlaayo Dhismaha Baarlamaanka KGS Oo Maanta Qabsoomay

0
254

Baydhabo(INO)-Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa manta shir uga furmay magaalada Baydhabo, kaas oo lagu falanqeynayay arrimaha la xariira dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

odayaal

Ka qeybgalayaasha ayaa mudada uu socdo shirkan waxa ay dood gar ah ka yeelan doonaan arrimaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, sida loo qeybinayo, sida lagu soo xulayo iyo goorta ugu dambeysa oo la dhaarin doono.

Saluugmo weyn ayaa ka jirta gobalada sida loogu qoondeeyey xubnaha ay kala heleen gobalka Shabeelada Hoose oo ah gobal balaaran ayaa lasiiyey xubno yar, taas oo keentay in ay diidaan tiradaas xubnaha Odayaasha ee kasoo jeeda gobalkaas.

Dadaalo ladoonayo in lagu xaliyo wax kasta oo soo wajaha shirkan ayaa ka socda magaalada Baydhabo, waxaana lafilayaa ka hor Bisha Ramadaan ee nagu soo aadan lasoo afjaro wada hadaladan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here