Galgaduud (INO) – Wararka ka imaanaya Degaano hoos yimaada Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo Dagaal Culus.
Dagaalka ayaa ka soconaya Xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Itoobiya gaar ahaan Labo baar iyo Dhiga.
Dagaalka oo Shalay ilaa maanta soconaya ayaa la sheegay in Dagaalka ay ku dhinteen ilaa 100 Qof islamarkaana Ciidamada Liw Poolis ee Dowlad Degaanka Itoobiya ay Tuulooyin badan Gubeen.
Mid kamid ah Odayaasha ku nool Degaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa Warabaahinta u sheegay in Ciidamada Dowlad degaanka Itoobiya ay geeysteen Xasuuq sida uu sheegay.
Idale News Online, Galgaduud