Dhageyso: Liyuu Booliska Itoobiya & dadka Deegaanka oo ku Dagaallamaya Guriceel & Dhimasho jirta

0
285

Guriceel (INO) – Dagaal u dhexeeya Ciidanka Liyuu Boolis ee Deegaanada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Dad Shacab ah ayaa lagu soo Warramayaa in uu ka Socdo ilaa Maanta Barqadii Deegaano Hoostaga Guriceel, Galgaduud.

breakingIdaleNews

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa la sheegayaa in ay dhowr mar oo hore Dad deegaanka ah Qafaasheen lana Aadeen Dalka Itoobiya, waxaana Maanta ay dadka Deegaanka oo ka Warhelay in ay kusoo Wajahanyihiin Liyuu Boolis ay galeen Diyaar garow, kaasoo ay isaga difaacayaan.

Ilaa 10 qof oo Afar ka mid ah ay Shacab yihiin ayaa la sheegayaa in ku dhinteen Dagaal deegaanka ka dhacay, halka inta kale la sheegay in ay ahaayeen Ciidanka Liyuu Booliska oo lug kusoo Galay deegaano dhaca Xadka Labada dal.

Xuseen Cali Weheliye Cirfo, Guddoomiyahay Galgaduud ayaa ka digay in Dagaalku uu Baaho, odayaasha deegaanka ayaa waxaa ay dhankooda DFS ka dalbadeen in ay Farageliso Colaadda.

Idale News  Online – Curacel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here