Daawo:Laamiyada Dalka Hindiya Oo Dhalaalay iyo In ka Badan 1000 Qof Oo U Dhintay Cimilada Kulul Ee Dalkaasi

0
254

New Dalhi(INO)-Dalka Hindiya waxaa xiligan ka taagan Kuleekii ugu darnaa mudo sanado ah, waxaana sii kululaanayaa cimilada Dalkaasi ,iyadoona ay jiraan dad badan oo u dhintay Kuleelka baaxada weyn ee xiligan ka jira Dalka Hindiya.

Kuleelka ka jira Dalka Hindiya ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen dad kor u dhaafaya 1,100 qof, waxaa sidoo kale isbitaalada jiifa oo la daweenayaa dad kale oo aad u badan oo dhibaato kasoo gaartay cimilada kulul ee Dalka Hindiya.

Gobalka koonfureed ee Dalka Hindiya Andhra Pradesh ayaa lasoo sheegayaa in kuleelka xoogiisu uu ka jiro, waxaana Magaalo Madaxda Gobolkaasi Hyderabad istaagay isku socodka dadka xiliyada maalintii ah.

Magaalooyin kale oo dalka Hindiya kuyaala ay ku jirto Caasimada Dalkaasi ayaa dadka loogu baaqay in ay joogaan guryahooda ayna usoo bixin banaanka, waxaana jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay cimilada kulul ee dalka Hindiya.


\











LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here