Daawo Sawirada: Wafdiga Ra’iisul Wasaare CCC oo gaarey Kismaayo iyo wadahadalo adag oo halkaasi ka bilowday

0
242

Kismaayo(INO)-Wafdi Balaaran oo isugu jiro wasiiro iyo xildhibaano ka tagey magaalada Muqdisho uuna hogaaminaayo R/Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa gaarey magaalada Xeebta ah ee Kismaayo.

IMG_1488-480x320

IMG_1564-480x320

Wafdiga oo si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaarada ee magaaladaasi ayaa waxaa ay u gudbeen xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo halkaasi oo labada dhinac ay wada hadal adag fooda isku dari dooraan, kaasoo diirada lagu saari doono khilaafkii ka dhashey dhismaha maamulka Jubba oo keenay in mucaarado xoogan inta badan xubnaha xildhibaanada dowlada federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Somalia kala hor yimaadaan, kuna tilmaamaan sharci daro iyo in koox kaliya ay faramaroorsatey matalaadii dadka 3daas gobol ku wada nool.

Booqashadaani ayaa ku soo aadeysa iyadoo mooshin looga soo horjeedo maamulkaasi uu yaala golaha barlamaanka, isla markaasina golaha xukuumada dowlada ay ka codsadeen xildhibaanada barlamaanka in la siiyo muddo labo isbuuc ah oo ay ku xalinayaan xasarada ka dhalatey dhismaha barlamaanka Jubba oo ay dhinacyo badan oo dadka deegaanka ahi si aad ah uga caroodeen sida lagu soo xulay iyo sadbuursiga maamulkaasi ka sameeyey 3da gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Lama oga waxa ka soo bixi doona wadahadalada u furmey wafdiga uu hogaaminaayo R/W CCC iyo maamulka kmg ee Jubba, iyo in barlamaanku ku qanci doono qodobo ka soo baxa heshiiska la filaayo in Kismaayo lagu gaaro.

Idale News ONline, KIsmaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here