Baydhabo(INO)--Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska, ee U fadhiya Dalka Soomaliya Amb Neil Wigan ayaa gaarey Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay. Danjiraha ayaa markii Uu Gaarey Baydhabo waxa uu kulan la qaatey Madaxweynaha KG Soomaaliya oo ay hareera fadhiyeen Qaar ka mid ah Gollahiisa Wasiiradda.
Kulankaasi oo uu kadhacay aqalka madaxtooyada Ee KG Soomaaliya. Danjiraha iyo Madaxweenaha KGS ayaa kawada hadley arimo badan oo a y kamid yihiin siyaasada, Sugida Amaanka, horumarka, dardargelinta dhameeystirka hay’ada Shaci dajinta ee KGS Iyo Khilaafka Soo kala dhex-Galey Dowladda KG Soomaaliya iyo Jubba.
Danjire Neil iyo Madaxweynaha KG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidookale kawada hadleen sidii ciidan Abood leh oo la dagaalama Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ay u yeelan lahayd Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku Amaanay Dowladda Ingiriiska sida ay garab taagan tahay ummadda Soomaaliyeed .
” Aad ayaan ugu faraxan nahay booqashada Danjire Neil Ee Baydhabo, marmar badan ayaa nasoo booqadey, Wax badan waan ka rabnaa inuu nala qabto, oona garab nagusiyo Burburinta Kooxda Al-shaabaab oo dhibaato ku hayso Degaanada KGS” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.
Halkan Ka Daawo
Danjrie Danjire Neil oo hadal kooban ka jedey kulan ayaa sheegey in KG soomaaliya ay ku socoto wado wanaagsan isla markaana waxa uu Odayasha Dhaqan Ee KGS uu ku booriyey inay dardar galiyaan Xulista Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegey inay socodaan Dadaalo lagu doonaayo in isku hor-Fadhiistaan Maamulada Jubba Iyo KG Soomaaliya ka dib markii Khilaaf Xoogan uu dhawaan soo kala dhex-Galey, taasoo Ka dambeysey, Qaab dhismeedka Baarlamanka Jubba.
Idale News Online, Baydhabo