Ankara(INO)-Gudoomiyaha Gobolka Bay Dr.Cabdi Aadan Hoosow ayaa waxaa uu la kulmey Gudoomiyaha Gobolka Ankara Md Mehmet Kılıçlar labada gudoomiye ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo caawin lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Bay.
Mehmet Kılıçlar Guddomiyaha Gobolka Ankara ayaa waxaa uu sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada Godoomiyaha Gobolka Bay ee Dalka Turkey.”Booqashadaada waa talaabo aan aad ugu faraxsanahay, waa talaabo horey loo qaadey,waan garab istaageynaa walaalaheena Soomaaliyeed” ayuu yiri Md Mehmet Kılıçlar.
Gudoome Hoosow, ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmey ku xigeenka Hay,ada TIKA ee Dalka Turkey Ali Maskan. Hosow ayaa waxaa uu hey,adda TIKA uga mahad celiyey Mashaariicda horumarineed ee waddanka Soomaaliya ay ka wadaan, isagoo ka codsadey hey,adda in ay Mashaariic la mid ah ay ka fuliyaan Gobolka Bay.
Ali Maskan, ayaa balan qaadey in Hay,adda Tika ay wax la qaban doonto Shacabka ku dhaqan Gobolka Bay, isla markaasina tix-gelin doonaan codsiga Guddoomiyaha Gobolka.
“Hay’adda Tika Mashaariic xoogan ayey ka wadaa Soomaaliya,waana sii wadeynaa mashaariicda aan hadda Soomaaliya ka wadno,waxaana kusii balaarin doonaa Gobolada Dalka” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Md Ali Maskan.
Cabdi Aadan Hoosow ayaa intaa ka dib isagoo howshiisa sii wata waxaa uu la kulmey Xoghayaha guud ee Ururka Dawladaha hoose ee dalka Turkey Hayrettin GUNGOR, labada Masuul ayaa waxay isla soo qaadeen sidii iskaashi u wada sameyn lahaayeen labada dhinac iyo sidii aqoonta Dowlada hoose ee Gobolka Baay kor loogu qaadi lahaa.
Gudomiye Hoosow ayaa ka codsadey Ururka Dawladaha hoose ee dalka Turkiga In ay garab istaagaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu maamulo,isla markaasina hormarka iyo Maamul wanaagga ay Dalkooda gaarsiiyeen mid la mid ah loo gaarsiin lahaa guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bay.
“Ururka Dawladaha hoose ee dalka Turkiga ayaa waxaa hoos yimaada dhamaan Degmooyinka Dalka Turkey oo ka kooban in ka badan 1350” ayuu yiri Md Hayrettin GUNGOR oo ah Xoghaye guud ee Ururkan.
Ugu dambeyntii, Gudoomiye Cabdi AadanHoosow ayaa dhamaan Madaxdii uu lakulmey waxay isku waafaqeen arimhii ay kawada hadleen,wuuna ka mahad celiyey soo dhoweyntii balaarneyd ee loo sameeyey.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Ankara, Turkiye