Dhageyso Wareysi: Xildhibaan Afaraalle Oo U Jawaabey Hogaamiyaha Maamulka Jubba

0
260

Baydhabo(INO)__Xildhibaan Maxamed Afaraale, oo  Ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya isla markaana oo ka soojeeda Gobolkada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isagoo wareysi Siinayey Gollaha Dimuqradiyadda iyo Midnimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya( GDMKGS) ,uu ka hadley arimo badan Oo ku Saabsan isjiid Jiidka Siyaasadeed ee  dhex taagan Maamulada Jubba iyo KG Soomaaliya, iyo weliba Mooshinka Ka Dhanka ah ee Baarlamanka Jubba.

afaraale

Xildhibaan Afaraale,  ayaa sheegey  in qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamanka soomaaliya ay go’aansadeen in ay ka keenaan Mooshin ka dhanka ah ee baarlamankaasi, ka dib markii  uu sheegey in si caalad  daro ah iyo si aan xaqiiqada ku saleynin  loo dhismey baarlamaanka Jubba  isla markaana Beelo Asal Ku ahaa degaanadda Gobolada Jubbooyinka La qadiyey ka qiib-Galka Siyaasadda iyo abood qiibsiga Ee Maamulka Jubba.

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya , inkastoo  fasax ay kuma qan yihiin, haddana arintaasi, Baarlamanka Soomaaliya 99% way isku racsan yihiin kala dirida baarlaman Jubba” ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Sidoo kale waxa uu ka hadley, Hadal uu ka soo yeerey Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ahaa  in la Tirtiro  ama laga saaro Lixda Xidigg ee Calanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku dhex yaalla, isla markaana waxa uu si ba’ana u weerarey Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan; sidoo  kale Hogaamiye, Axmed Madoobe ayaa ku hanjabey in uusan Hor-fadhiisaneynin Madaxweyne Shariif Xasan  Inta laga masaxaayo Lixda Xiddiga ee ku qoran Calanka Dowladda KG Soomaaliya, kuwaasoo  U taagan 6 Gobol ee Koonfurta iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ee DM ay degto.

Lixdaasi Xiddig, Shariif Xasan kuma Qorin, Axmed Madoobe-na ma Khuseyaan, ee waxay sumad u yihiin  Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo  Dhulkaasi Lixda gobol ee ay U nasab sheegtaan, Axmed Madoobe Waxa dabadda  ka riixaaya Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladaha Kenya iyo itoobiya, halganku  wuu socon doonaa, Sanado badan ka dibna waxa dhici doonta Afti dad weyne  oo laga qaadayo Bulshada KG Ee Goboladda Jubooyinka” ayuu yiri. Xildhiban afaraalle.

Dhanka  kale  Xidhibaan Maxamed Afaraale ayaa Sheegey in Xariirka Dowladda KG Soomaaliya iyo Jubba uu sii Xumaanaayo, isla markaana  Xariirka Dowladda Soomaaliya kan jubba waa Mid aan caga badan ku taagneyn isla markaana IGAD iyo Kenya  uu sheegey inay Dhibaato weyn ka wadaaan  Dalka Soomaaliya.

Hadii uu ku hanbanjey inu xariirka u jaraayo dowalda Soomaaliya, wax liyaab  leh  ma ahan, sababta oo ah Wasiiradda DF Soomaaliya egtoodu waxba kama ah, mana qadariyaan, tusaale ahaan wasiirka Arimaha gudaha soomaaliya Kismaayo ayuu joogey, markii  ay sameeynayeen oona  doonayey in wadatsahiyo, laga yeeshey dhismaha baarlamanka jubba, lana dhageysto Cabashooyinka Beelaha, Mas’uul ahaan Looma Qiimeyn, Madaxweynaha Soomaaliya  Gudoomiyaha Baarlamanka  waxay u arkaan kuwo aan Amarkoodu fulin, mas’uuliyiin qaran uma yaqaanaan” Ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

 Halkan Ka Dhageyso Wareysi Xiiso badan oo Si wadajir ah ay u qaadayaan Yaiin abiikar, C/casiis Sh.Salax iyo IlyaAs Ali

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here