Dhageyso:Gudoomiye Sidii Oo Khudbad Ka Horjeediyey Kulan Madaxweynaha KGS Uu Fadhiyey

0
305

Afgooye(INO)-Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Hoose, C/qaadir Nuur Sidii  ayaa khudbad ka jeediyaya munaasabad ay isugu imaadeen madaxda Dowladda  Koonfur Galbeed soomaaliya oo ka dhacdey Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

sidi

Cabdiqaadir Nuur  siidii, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa uu hadaladiisa diirada ku saaray xaalada Amaan ee gobolka shabeelaha hoose, waxaana uu cabasho ka muujiyay amaandarada ka jirta Gobolka Shabellaha Hoose.

Hadii La Sugi Lahaa amaanka Inta U dhexeysa Tareedisho ama KM13 iyo Jameecada, iyo Qiibaha kale ee Goobolka waxaa La Gaari Lahaa Horumar, Waxaan Kaa Codsaneynaa Mudane Madaxweyne  Inaad  gacan naga siiso Sugida Amaanka Gobolka” ayuu yiri Sidii.

Gudoomiyaha Gobolka shabellaha hoose, ayaa sheegey in gobolku uu yahay mid khayraad badan isla markaana Dowlado kale ay maalgashan  jireen, waxaana ceeb naqu  ah ayuu yiri  inaan maqalno  hadalo ah Gobolka Shabellaha Hoose, Waxaa ka jira, Abaar o,Biyo la’aan iyo Macluul.

Sidoo kale Gudoomiye Siidii  ayaa Xusey  in Gobolka Shabellaha Hoose,  laga Quudin jirey Boqolaal Dad ah kuwaasoo  laga Keeney Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya isla markaana ku soo dhufatey Abaartii Dabadheer, Xilligii Dowladii Rayidka iyo weliba  Jamhuuriyadii Dimuqraadiga Ee Soomaaliya uu Hogaaminjirey Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Gudoomiye Sidii ayaa Madaxweynaha KG Soomaaliya  ka Codsadey inuu  isku dhafo shaqaalaha Dowladda KG iyo Ciidamda Isla markaana waxa uu tilmaamey inuu aad u faraxsan yahay in Degmo Ka Mid ah Gobolka Shabellaha Hoose ay Noqoto Caasimadda Dowladda Koonfru Galbeed Soomaaliya.

”  Amar Dowlo Ninkii Diido waa Dabaal, Madaxweyne Gobolkan  uma baahan in la keeno Masago, Geley, waxaa burbursan wadooyinka Gobolka intiisa badan, waxaan rabnaa in aad naga caawisto Dayactirka Wadooyinkaais, Gobolka Shabellaha Hoose, waxaa laga Dhoofiyaa mooska, cambaha, Liinta, sinsinta, Looska iyo Kharyraad Badan, mudane Madaxweyne waxaan kaa rabnaa inaad noo keento Baldooshyo ama Cagaf Cagafyo  iyo Daawada Xoolaha” Ayuu yiri Gudoomiye Sidii

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here