Baydhabo(INO)-Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in dib loogu laabto dhismaha baarlamaanka Jubba.
Malaaq Cali Cabdiraxmaan (Cali Shiine) oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan qaabka loo maray dhismaha baarlamaanka Jubba.
Wuxuu sheegay in ay muujinayaan sida aysan ugu qanacsanayn dadka reer Koonfur Galbeed baarlamaankaasi oo uu ku sheegay inaysan ka helin dadka reer Koonfur Galbeed ee deegaanada Jubba deggan saamigooda.
Afhayeenka waxgaradka Koonfur Galbeed Malaaq Shiine ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay inay soo fara-galiso arrintani wuxuuna sheegay in xukuumadda ay ka codsanayaan in dib u eegis ay ku sameyso dhismaha baarlamaanka Jubba.
Halkan Ka Dhagayso:
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo