Daawo: Qaabkii Baydhabo Markii Ugu Horeysey Loogu Fuliyey Xukun Dil Ah

0
210

Baydhabo(INO)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay, mid ka mid ah Ciidamada Shabaab, xukunkaasi oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

shuuti

Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magacaabo Siraaji C/laahi Cumar ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa Raggii  Weerrarka ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay Siraaji markii ay  ku cadaatay in Qarax uu ka sameeyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ay ku dhinteen Saddex Askari ay Maxkamadda ku fulisay xukun dil ah.

Weerarka lagu qaaday Madaxtooyada Baydhabo oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Qof ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Al Shabaab.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here