Dhageyso: Wareysi Kuluul Oo Aynu La Yeelaney Gudoomiyaha Baarlamanka Jubba + Hala Kala Saaro KGS iyo Jubba

0
213

Kismaayo(INO)-Iyadoo Khilaaf Xoogan uu ku taagan yahay dhismaha baarlamanka Jubba Ee Magaalada Kismaayo isla markaana Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay ka keeneenMooshin ka  dhanka ah baarlamaankaasi, ayaa Gudoomiyaha Baarlamanka Jubba Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan  arintaasi Si kuluul ugu hadley.

xaaji

Gudoomiyaha baarlamanka Jubba ayaa sheegey in Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya aysan xaq u lahayn inay mooshin ka keenaan Dhismaha Baarlamanka isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyey inay  hortgayaan Mooshinkaasi.

Sidoo kale, Gudoomiyahu Waxa uu sheegey in kala saaro Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubba isagoona ku si kuluul ugu hadley  mowqifka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka qaadatey  dhismaha baarlamanka Jubba.

” Maamulka Jubba waa Xur, Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka ayaa Aqoonsan, Nimankaasi waxaan leeyahay yeysan lugoonin shacabka soomaaliyeed, waxaan diyaar u nahay wada hadal” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Jubba Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan.

”  Dadka Ku Dhex jira Baarlaman Soomaaliya oo Ka Soojeeda KGS ha Kala Saaraan  Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubba, Gobolkiina iyo Maamulkiina Ku Eekaada, waan ka damqaneynaa Walaalaheena, Idinka ayaa Taab idin Go’one  ee Ka Soo Baxa” ayuu  yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Jubba.

Dhan kale gudoomiyaha Baarlamanka Jubba Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku tilmaamey, Xildhibaanada DF Soomaaliya Ee  wada Mooshink ka dhan ah ee Baarlamanka Jubba, Calooshoodu u Shaqeystiyaal isla markaana waxa uu  ku hanjabey  in aysan  Kuwaasi Guuleysan Doodinin waa Sida Hadalka U Dhige e.

” Xildhibaanada Aan Calooshoodu U shaqeystiyaasha ahayn, ayaan Filaynaa inay Ka  hor imaan doonaan, Kuwa Mooshinka wada” Ayuu yiri Sheekh  Maxamed Cabdiraxmaan

Ugu dambeyntii, Waxaa jira Khilaaf Xoogan oo ka Taagan Dhismaha Baarlamanka jubba iyadoona Beelo badan laga Qadiyey ka qiib noqoashada Baarlamanka Jubba isla markaana waxaa dhiilo  loo jeediyey Urur Goboleedka IGAD iyo DF Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga.

Wariye Maxamed Aadan Maxamed ,Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here