Muqdisho (INO) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in Xukuumadda ay weecisay Hanaanka Federaaleynta Gobolada Dalka.
Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in Qaabka ay hadda Dowladda ku wado Nidaamka Federaalka uusan ahayn kii Baarlamaanka ansixiyay, isagoo hoosta ka xariiqay in Siyaasad & Nin Jeclaysi lagu wado Qorshaha.
“Baarlamaanka Soomaaliya kuma qanacsana sida ay Dowladda u hergelinayso hadda Federaalka, waxaa noo muuqda in la isku dirao Beelaha Gobolada Maamulada loo samaynayo, waayo waxaa jira Sed-bursi badan oo dadka Soomaaliyeed iska-horkeenayo,” ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.
Ugu dambeyntiiXildhibaanka ayaa ku baaqay in la saxo Khaladaadka jira, inta uusan dalka lugaha la gelin Dagaal Sokeeye oo Federaalka sabab u yahay.
Idale News Online – Muqdisho