Kailaaf Ka Dhashay Isbedel Lagu Sameynayo Maamulka Degmada Afgooye

0
222

Afgooye (INO) – Khilaaf Xooggan ayaa ka dhashay Isbedel uu sheegay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ku sameynayo Maamulka Afgooye, waxaana Maamulka uu halkaas ka bedelayo uu sheegay in uusan Aqbali doonin Go’aanka ka soo baxay Madaxweynaha.

Teaser Image Kailaaf ka dhashay Isbedel lagu Sameynayo Maamulka Afgooye

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa isku deyay in uu Isbedel ku sameeyo Maamulka Afgooye, waxaana taa ka dhashay Khilaaf xooggan oo magaalada oo dhan laga dareemayo.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Shalay oo dhan joogay Afgooye ayaa sheegay in dadku ay wax tabanayaan Maamulka in la bedelana ay tahay wax wanaagsan, sida ay dadka deegaankuba doonayaan ayuu yiri.

Dadaalka uu ku doonayo is bedelka uu Maamulka Afgooye ku sameeyo ayaa noqon kara mid aan Guuleysan, maaddaama hadda uu Culeys uga yimid dhanka Maamulkii halkaas joogay, waxaana uu guul darro u arkaa in haddii aysan dadka deegaanku ku qanacsaneyn Guddoomiyahooda laga bedelo uu guddoomiyuhu u arko in talada laga qaadayo si aan Sharci aheyn.

Idale News Online – Xafiiska Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here