Dhageyso:Dowladda KG Soomaaliya Oo Isbadal ku Sameynayso Maamulka Degmada Afgooye

0
227

Afgooye(INO)-Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa qorsheynaya in uu isbadalo ku sameeyo Maamulada Degmooyinka oo ay ka mid tahay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, halkaasi oo ay ka socdaan kulamo wadatashi ah.

nadaara

Afhayeenka Dowladda  KGS, C/qaadir Cashara Nadaara ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh uu kulamo la qaatay Dadka reer Afgooye, si Maamul loogu sameeyo degmada, isaga oo xusay in dhawaan lagu dhawaaqayo Maamulka.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo ka socda qabanqaabo Shirka lagu soo xulayo Xildhibaanada Barlamanka Dowladda  Koofur galbeed, Shirkaasi oo la filayo in uu furo Shariif Xassan Sheekh Aadan, sida uu sheegay Afhayeenka.

Madaxweynaha Dowladda Koofur galbeed Shariif Xassan Sheekh aadan oo dhawaan booqasho ku tagay Magaalada Baraawe, ayaa halkaasi u magacaabay Gudoomiye cusub, isaga oo sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahida Dadka isbadalo lagu sameynayo Maamulada.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here