Baydhabo(INO)-Maxkamadda Ciidanla qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay nin Lagu magacaabi jirey Siraaji C/laahi Cumar oo Shabaab dhaxdiisa loogu yeeri jirey Hanad.
Ninkan saaka xukunka lagu fuliyay ayaa weerar ku soo qaaday xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo isagoo wata gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa waxaana weerarkaasi ku geeriyootay sadex askari oo ka tirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sida maxkamada ay ku sheegatay warkeeda .
15/04/2015 ayaa Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waxaa ay xukun dil ah ku riday iydoo maantana xukunkaasi lagu fuliyay.
Ciidamo ka tirsan xooga dalka, Boliiska iyo Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ayaa fagaare ku yaala magaalada Baydhabo xukunka ku fuliyay ayagoo safaf la geliyay.
Goobta xukunkan lagu fuliyay ayaa waxaa joogay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya gaashaanle sare Liibaan Cali Yaow, gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gobolada Baay,Gedo iyo Bakool Janaraal Ibraahim Cali Yarow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Sida uu sharciga qabo waxaa meydka la wareegay dowladda hoose ee magaalada Baydhabo ayaga ayaana aasi doona.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay u fadhiisato dacwad ciqaabeed loo heysto eedesaniyaal kala duwan oo ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.
Waa xukunkii ugu horeeyay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku fuliso magaalada Baydhabo, waxaana mas’uuliyiinta maxkamadda ciidanka qalabka sida inta ay joogaan magaalada Baydhabo ay wacyigelin u sameyn ciidanka qalabka sida ee deegaanadaasi ku sugan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo