Akhriso: Wasiirka Dhalanyaradda KGS Oo Maanta Deeqo Ibrahim U Magacaawey Gudoomiyaha Dhalanyaradda KGS

0
312

Baydhabo(INO)-Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiska  Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Laahi Cabdi Cumar Fanax Ayaa Maanta  ugu magacaawey Gudoomiyaha  Dhalanyarada Koonfur Galbeed  Soomaaliya Gabadha lagu Magawaaco, Deeqo Ibraahim Cumar.

unnamed

Dekreeto Ka Soo Baxdey Xafiiska Wasiirka Wasaaradda  Dhalanyaradda iyo Cayaaraha Mudane C/laahi  Cabdi Cumar Fanax ayaa lagu sheegey  laga bilaabo maanta in ay tahay Deeqo Ibraahim  Cumar Gudomooyiha Dhalanyaradda KG Soomaaliya.

Deeqo Ibraahim Cumar, Gudoomiyaha Cusub ee Dhalanyaradda KG Soomaaliya ayaa waxay door weyn ka Ciyaartey, qaban qaabadii Xuska Maalinta dhalinyarada soomaaliyeed 15 May oo  Ku Beegneyd  sanad Guuradii 72 Ee Aas Aaskii Ururkii Xurnimadoonka Soomaaliyeed Ee SYL.

Sidoo kale Deeqo Ibraahim ayaa dadaal badana U gashey in ay ka hergasho manaasabadaas Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoona  ka muteysatey shahaado sharaf  uu gudoonsiyey  Wasaaradda Dhalinyarada iyo cayaaraha  KGS.

Ugu  Dambeyntii Magacaawistan ayaa  waxaa soo dhoweeyey gabdhaha KG iyo guud ahaan dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliy.

Halkan Ka Akhriso Dekreetadda

Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here