Afgooye(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa, markii qarax loo dhigay kolonyadiisa, meel u dhow magaalada Afgooye.
Qaraxa oo ahaa Miino horey Waddada dhinaceeda loogu sii diyaariyay ayaa waxaa lala beegsaday mid ka mid ah Gaadiidka la socday, Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase ahaatee lama sheegin khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.
Madaxweyne Shariif Xasan oo maalmahan ku sugnaa degmada Afgooye iyo deegano kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayuu qaraxu ku qabsaday inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye, wuxuuna ku jeeday deegaanka Lafoole uu doonayay inuu halkaasi kula kulmo dadka deegaanka.
Afhayeenka maamulka, C/qaadir Maxamed Nadara, ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin cid qaraxa wax ku noqotay, isagoo sheegay in miino dhulka lagu aasay ay sababtay qaraxaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Afgooye