Baydhabo(INO)-Jaamacadda koonfurta soomaaliya qeybteeda Machadka cilmi baarista iyo tababarada ayaa wuxuu cilmi baaris ku sameeyey dilalka isdabajooga ah ee ka dhacaayey magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, iyo agagaaraheeda, baaristaasi waxaa ka soo baxay dilka magaalada kadhacaayo inuu u kala qeybsamo laba nooc:
- Burcad tuugo ah oo raadinayso waxay dhacaan.
- Kala aargoosi beesha dhexdeeda ama beel kale.
- Kuwo qorsheysan oo siyaasadeed.
Natiijadaasi ayaa waxay kadhalatay in Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ay sameeyso dood cilmiyeed lagu wacyi gelinaayo bulshada taas oo loogu macag daray todobaadka nabadda iyo isdhexgalka bulshada taas oo loo kala qeybiyey seddax weji.
- In la qabto dood ay ka sooqeybgalayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulada heer gobol iyo degmo, maamul-goboleedka ISWA xubno ka socda.
- In muddo 5 maalmood seddaxda idaacadood ee Warsan, Dalsan, Baydhabo ay ka socto dooddaah furan oo looga hadalaayo nabad gelyada kana qeyb qaadanaya qeybaha kor ku xusan.
- in la soo gaba-gabeeyo marka ugu dambeysa kana soo baxaan natiijo wax ku ool ah.
Hadaba, barnaamijkaasi oo ah kii ugu horreyey ee la qabto natiijooyinkii kazoo baxay waxaa ka mid ah sida:-
- in dadka ay jeceylsteen qaabka nabadda looga hadlaayo.
- In bulshada ay ogaatay in maamulada jira ay wax weydiin karaan.
- In isla xisaabtan uu jiro ayaa meesha ka cadaatay
- Wax badan oo bulshada tuhun ay ka qabeenayaa u kala cadaaday.
- In kudhaqan shareecada islaamka aasaas u noqoto nabadgelyada raadinteeda.
- In maamulada jira daah furan ku sameeyaan bulshada.
- In maxkamada iyo hay’adaha amniga ay garsoor caadil ah u sameeyaan bulshada.
Talo soo jeedin.
- In maamulada hadda jira ee heer gobol iyo heer degmo oo waqtigooda dhamaaday la doorto ama la magacaabo hadba sida ku haboon.
- In maxkamada heerarkooda kala duwan loo magacaabo dad aqoontooda leh si cadaalad buuxda ay ugu naaloodaan bulshada.
- In hay’adaha nabadgelyada ay ku dhaqmaan shuruucda dalka u yaalla.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo