Dhegayso VOA: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ku Marti Ah Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

0
221

Baydhaba (INO)-Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha VOA ee toddobaadkan waxaa marti ku ah madaxweynah Dowladda Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

shariif xsan

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadaan  ayaa wuxuu ka hadlay waxqabadka Dowladiisa ee dhanka horumarka iyo ammaanka iyo waxyaabaha uu dowladu hiigsanayo.

Madaxweyne Shariif  xasan sheekh Aadan ayaa sheegey in dowladiisu ay  qabatey waxyaabo badan, isla markaana In waxa uu sheegey wax yaabo kale ay u dhiman yihiin wax kaqabashadooda.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey  qaar ka mid ah degaano ka tirsan koofur Galbeed Soomaaliya ay ku jiraan Go’doomin ay ku sameeyeen Xoogaga Al-shabaab, kuwaasoo sida uu sheegey caqabad ku ah Xalisooni ka dhalata Goboladda KG Soomaaliya.

MadaxweyneahaKG Soomaaliya ayaa tilmaaamey in Odayaasha Dhaqanka KG Soomaaliya  ay wadaan xulista Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono.

Dhanka  kale madaxweynaha KGS ayaa ka si cad u sheegey in baarlamanka Jubba uu yahay xaaraan isla markaana aan ku saleysaneyn cadaalad iyo sinaan u dhexeysa beelaha wada dega Gobolada Jubooyinka.

Dad baa maroorsadey, aboodii Jubba,beelo aan dadka kaga badaneyn degaankaasi ayaa badsadey abooda, anigu waxaan leenayahay maamulkaasi in la saxo, waxaan heshiis ku soo wada gaareyn Axmed Madoobe in si siman loo wada qiibsado Jagooyinka Maamulkaasi” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here