Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Madaxweyne Shariif Xasan iyo Wasiirada Ka Soo Jeeda G/Sh/Hoose?

0
229

Afgooye(INO)-Shir ka dhacay maanta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose  oo ay wada yeesheen Madaxweynaha KG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa loogu hadlaayey sidii maamul loo dhisi lahaa degmooyinka laga xureeyey Al-shabaab.

shariif

Waxaa si gaar ahaan loogu hadlay shirkan sidii maamul cusub loogu dhisi lahaa degmooyinka Afgooye iyo Marka  ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirada iyo  Madaxweyne shariif ayaa isla gartay in ay muhim tahay in la tashiyo ay lasameeyaan Odayaasha dhaqanka iyo siyasiyiinta si loo helo maamul xalaal oo ay dadku raali ka yihiin.

Ugu damebeyntii Wasiiradda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa raadinaayo wado ay u soo maraan wax ka bedelidda maamulka degmada MarkaCadey Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, oo ay doonayaan in maamulka degmadani in lagu soo daro DhamaanBeelaha wada dega gudaha Degmadaasi.

Idale News Online, Afgooye