Marka(INO)- iydoo dhawaan uu magacaawey Wasiirka arimaha gudaha ee KGS, gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Shabellaha hoose, isla markaana jagadaasi uu u magacaawey Cali Nuure ayaa arintaasi waxa ka soo horjeestey Qaar ka mid ah salaadiinta Ka Soo jeeda Gobolka Shabellaha Hoose.
Suldaan Ibraahim Cali Xaaji iyo Suldaan Buuwe Cabdulle Buuwe ayaa waxay wasiirka arimaha gudaha ee KG Soomaaliya ku Eedeeyeen in la tashi la’aan uu ugu magacaabay Cali Nuur Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka shabeelada hoose, iyaga oo ku tilmaamay in magacaabista Cali Nuure ay sharci darro tahayy , dadka deegaankana ay ka soo horjeedaan magacaabistan sharci darada ah.
Waxayna Madaxweynaha KG Soomaaliya ka codsadeen in uu kala tashado shaqsiyaadka jago loogu soo magacaabayo Shabellaha Hoose heer gobol ilaa heer degmo.
Suldaamadan iyo madaxweyne Shariif Sheekh Aadan ayaa isla gartay in ay muhimtay in lawada tashado, taasna lagu gaari karo horumar iyo nabad.
Ugu Dambeyntii,Maalmahaan waxay idaacadaha maxaliga iyo telifishinada tabinayeen is qabqabsi ku saabsan magacaabidda oo ka dhaxeeysa laba nin oo aan u dhalan gobolka shabeelada Hoose.
Idale News Online, Marka