Siyaasiga Cismaan Maxamed Jeelle Oo Ka Hadley Booqashada Madaxweyne Shariif Xasan Ee Wanleweyn

0
433

Jiddah(INO)-Waxa isa soo taraya taagyeeridda iyo soo dhaweeynta ee ku aadan wefdigdii madaxweyne shariif xasan Sheekh Aadan uu hogaaminayey ee  safar ku tageen degmada Wanleweyne, Balidoogle iyo weliba Degmada Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

jeelle

Siyaasiga Cismaan Maxamed Jeelle Oo ku Sugan Dalka  Boqortooyadda Sacuudi Carabiya isla markaana ah Madaxa Hay’ada Horumarinta iyo Iskaashiga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyey, booqashadii Madaxweyne Shariif xasan Sheekh Aadan iyo Qaar Ka Mid h Gollahiisa wasiiradda ay ku gaareen Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Mudane Cismaan Maxamed Jeelle  ayaa ku sifeeyey booqashadii Madaxweyne Shariif Xasan Ee Degmadda Wanleweyn mid taariikhi ah  isla markaana Guul u ah Bulshadda Degmadda Wanleweyn kuwaasoo, soo maray dhibaatooyin kala gedisan tan iyo markii ay burburtey Dowladii dhexe ee soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu  bulshada Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose uu ugu baaqey inay u kacaan Horumarinta Degaankooda iyo weliba inay la shaqeeyaan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu  Dambeyntii Xiligii doorashadiisa ayaa Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan waxaa ka mid ahaa balanqaadyadiisa in Maamulkiisa uu gaarsiiyo dhamaan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Idale News Onlin, Jiddah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here