Faallo: Marti Wada Mas’uul Ah. By: Asad Dhaayow

0
211

Muqdisho(INO)-Maalin aan sidaa u fogeen ayaa waxaa la igu marti qaaday munaasabad si aad ah loo soo agaasimay oo looga hadlayay xaaladaha dalka & Hiigsiga Cusub ee 2016-da isbadalka marxaladaha cusub sidii ay ururada bulshada rayidka ugu qayb qaadan lahaayeen.

Asad Dhaayow

Waqtiga oo aan la gaarin ka hor bilaabashada barnaamijka jawi heer sare isbarasho qosol & faraxad ayaa la isku marxabeynayay xiligii loogu talagalay barnaamijka ayaa waxaa bilaabatay in qof qof la isku wareesto magaciisa & meesha uu ka socdo. qof qof ayaana Makarafoonka la isugu dhiibay sida la isugu xigo, si dadkoo dhan si wadajir u bartaan qof walba.

Waxaa ugu horreeyay Xiriiriyaha Barnaamijka oo isaga ku billaabay magaciisa & meesha uu ka socdo & howsha uu markaasi hayay. Isaga ayaana inta kale u dhiibayay Mikarafoonka waxaa bilaabatay dadkii in ay iska war bixiyaan ninkii ugu horeeyay waxa uu sheegay inuu yahay Wasiir ka tirsan M/Mulgoboledyada ka jira Soomaaliya, Gabar ayaa iyana ku xigsatay iyana sidoo kale wasiir M/Mulgoboleed, Haweenay kale iyadana sidoo kale waxay sheegatay Wasiirad, hadana sidoo kale Wasiirad kale oo iyana sheegatay wasiir M/mul goboleed, ninkale oo isagana ku xigay wasiir ku xigeen m/mulgoboleed ka mid ah kuwa Soomaaliya…..

Aniga & gabar Jabuutiyaan aheyd ayaa wada fadhinay waxaan ka soconay Ururada Bulshada rayidka Soomaaliyeed waxaana si aad ah ula yaabay munaasabada nagula marti qaaday ee wasiirada badan leh, Gabadhi Jabuutiyaanka aheyd ayaa si hoose igula hadashay “Asad, Munaasabadani miyaanan mansabkeeddu mudneeyba, maxaa yeellay martidoo dhan waa wada masuul maaha!?” Wax jawaab ah waan bixin waayay waxaana la yaabanaa martidda wada masuuliyiinta ah, Safka oo aad u dheeraa ayaa wali waxaa socotay isbarashii anagana wali namasoo gaarin oo wali wasiiradii & wasiir ku xigeenada Maamul goboleedyada ayaa mikarafoonka gacanta ku hayay.

Gabadhi oo iga sugeysay jawaab ayaa ii sii dabadhigtay “Wallee Madashan waa madal masuuliyiin maran, Alla Soomaaliya maxay madax jecelyihiin..” wali ma aanan hadlin gabadhi ayaa waxa ay igu furtay mowjado culus oo marxalad kale oo ka duwan tii aan u imid igu dhax furtay & anigoo indhahayga ay qabanayeen waxa ay ii sheegayso wax la mid ah.

Wax maanacayo malleh in Ururada Bulshada rayidka ay wasiiro kullan la qaataan oo ay isku meel wada fariistaan, balse amakaaga ayaa ahaa in Martida oo dhan in ay wada masuul sheeganayaan.

Waxaa jiray Marti iyaga ahaa kuwa cadaan ah oo dowlado kala duwan ka mid ah waxay ku mashquulleen iyagana masuuliyiinta wada wasiirada ah ee ka soo qayb gallay munaasabada.

Xiligii Break Time-ka ama Nasashada gaaban la qaadanayay ayaa waxaa aniga & gabadhi na wehliyay rag kale oo iyagana ka mid ahaa Bulshada rayidka, Waxaan ka wada hadalnay sida wadankeena noqday oo aan u kala qaybsanhay anagoo dalkeena naga badan yahay oo hadana Gobol Gobol u kala baxnay. Dooddii ayaa nala tagtay oo waxaanba illownay xiligi la laabanayay.

Hadaba dulucda & ujeedka aan ka leeyahay maqaalkan cidkasta waa ay garan kartaa waxaana la murugsanahay sida aan u kala qayb qaybsanay inagoo hal luuqad, hal dhaqan, wada leh.

Gaba gabadii waxaan Madashaasi ka bartay ku dhowaad 20 labaatan wasiir oo dhamaantood numbaradooda soo qortay.

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email asaddhayow@gmail.com

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here