Baydhobo (INO) — Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la Hadlay Warbaahinta ayaa Waxaa uu sheegay in ay Dhawaan Magaalada Baraawe oo Xarun u Noqon Doonta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka Bilaabi Doonan Dhismaha Garoon Diyaaradeed.
Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa uu Carabka ku Adkeyay in ay Lagama Marmaan Tahay in la Dhiso Garoon Diyaaradeed Dekedda Magaalada Baraawa’na Dib loo Howlgaliyo Maadaama ay tahay Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa uu Hoosta ka Xariiqay wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibraahim Cali In ay Haatan Wadaan qorshaha ay Halkaasi Garoon Diyaaradeed Uga Hirgalinayaan islamarkaana ay u Furayaan Dekadda Baraawe.
Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Waxaa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu Haatan Si ku Meel Gaar ah Ugu Sii Shaqeeyn Doono Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Balse ay Xarunta Maamulku Tahay Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabeeladda Hoose.
Hadalka wasiirka ayaa Waxaa uu Imaanayaa Iyadoo Tiro Dhowr jeer baydhabo Lagu weeraray Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.
Idale News Online,Xafiiska Baydhabo