Baydhabo(INO)-Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si Habsame leh U wada isku dabaridka Howlaheeda Shaqo, iyadoona Wasiiradu Ay bilaawdey Xaqiinta Xurumo caafimaad ee Ka Jira Baydhabo iyo Qaabka ay u Howlgalaan, isla markaana waxay Si joogta ah ula Socotaa Dhaq dhaqaaqa Shaqo, ay Wadaan Xarumaha Caafimaadka Ee Sida Gaar ah loo leeyahay iyo kuwa danta Guud ee Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka dhisan.
Waxaa Maanta shir yeeshey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Dowladda KG Soomaaliya , Gudiga Loo Yaqaano Danwadaag ee Xaafadda Towfiiq Ee Magaalada Baydhabo iyo Hay’adda World Vision.
Shirkaasi oo looga Hadlayey sidii loo hawl gelin lahaa MCH oo ku yaala xaafadda Towfiiq ee Degmada Baydhabo taasoo wasiirku dadaal badan ugaley sidii u hawl gali lahaa qalabeyn iyo taageero dhinac walba.
Kulanka maanta ayaa shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Dowladda KGS Mudane Isaaq Cali Subag waxaa marka hore amaan iyo mahad celin usoo jeediyeen Gudiga Dan wadaag Wasaaradda Caafimaadka Ee KGSoomaaliya dadaal ay usameysey dar gelinta MCH-ka
Wiir Isaaq Cali Subag ayaa isna u mahad celiyey Hay’adaha Taagyeera Howlaha Caafimaad Sida Hay’adda World Vision iyadoona uu kula dar daarmey Gudiga Xaafadda Towfiiq Ee Faraca Xaafadda Cadaada Ee Baydhabo in ay ilaalshadaan Habsami usocodka xarunta caafimaad ee loofurey.
Ugu dambeyntii Wasaaradda Caafimaadka Ee KGS ayaa wada howlo Badan oo lagu Horumarinaayo Xarumaha Caafimaad ee ka jira Gobolada KG Soomaaliya iyadoona weli ku talla jirta in Bulsho kasta ay booskeeda ka hesho gergaar caafimaad ayagoon safar u galan.
Halkan Ka Daawo
Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo