Jabuuti(INO)-Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa maanta booqday Masaajid ku yaala Magaalada Djibouti, waxaana la arkaayay isagoo dhex fadhiya Masaajidka Salman.
Xoghayaha, ayaa waxaa wehlinaayay Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.
Xoghayaha, ayaa Masaajidka kula kulmay Culima’udiin iyo dhalinyaro yar yar, kuwaa oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, sidii dhalinyarada ay kaga fogaan laheyd ku lug lahaanshaha xagjirnimada.
John Kerry wuxuu Culimadu uu ka codsaday inay dhalinyarada u jeediyan wecyigelin ka dhan ah xagirnimada, bacdamaa Jabuuti ay qayb ka tahay Wadamada Afrikada Bari, ee la dagaalanka kula jira argagaxisada.
24-kii bishii May ee sanadkii hore, ayay ahayd markii nin iyo haweeney ay isku qarxiyen maqaaxi, ay dadka ladan fariistan oo ku taala Magaalada Djibouti, iyadoo dad ajaaniib ihi ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Jabuuti