Daawo:Sababaha Ay Caasho Geelle Isku-casishay + Akhriso Warqadda Is-casilaadda

0
240

Gaalkacyo (INO) — Marwo Caasho Geelle Diiriye, oo ahayd Mudo ka badan Hal Sano Gudoomiyaha Gudiga Dib U eegista & Hergelinta Dastuurka, ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay iska-casishay Xilka, kadib markii ay la kulantay Caqabado Gudaha ah.

Teaser Image Sababaha ay Caasho Geelle isku-casishay (Akhriso Warqadda Is-casilaadda)

Keydmedia Online, ayaa heshay Nuqul kamid ah Warqadda Is-casilaadda Caasho Geelle oo Maanta ku shaacisay Magaalada Gaalkacyo, waxaana Warqadda ku xusan in Gudiga soo wajahay Caqabado ay kamid yihiin Dhaqaalo La’aan, Faragelin & Waqtiga oo ku dhamaaday.

“Markii aan la kulmay Dhibaatooyin Faragelin Xubnaha Gudiga ka yimid, Dhaqaalo la’aan & Waqtiga Dowladda u haray oo aad u yar, islamarkaana aan dib ugu eegis lagus amayn karin Dastuurka waxaan go’aansaday inaan is-casilo,” ayay tiri Caasho Geelle.

Gudoomiyaha Gudiga Dib U eegista & Hergelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa la aas aasay Sanadkii tagay, iyadoo Ujeedkii loo unkay wali aan laga miro-dhalin, haddana ay soo wajaheen Caqabado adag.

Waxay sheegtay in Waqtiga u haray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay mid aad u yar, oo aanan u saamaxaynin Gudiga inuu si buuxda dib u eegis ugu sameeyo Dastuurka, islamarkaana uga hergeliyo Dalka.

Gelle2

Gelle1

Idale News Online – Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here