Xildhibaano Gudbiyay Mooshin Ka Dhan Ah Axmed Madoobe +Akhri Warqadda Oo Saxiixan

0
238

Muqdisho(INO)-Guddoonka golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa loo gudbiyay mooshin ka dhan maamulka Jubaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana warqada ku saxiixnaa Xildhibaano ka soo jeeda Jubbooyinka oo Baarlamaanka Federaalka ka tirsan.

Mudanayaasha saxiixay mooshinka ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe waxaa ka mid ahaa Xildhihbaan Daahir Amiin Jeesow, wuxuuna isagoo warbaahinta la hadlayay si cad u sheegay inay caddeymo ku saabsan eedeymahooda iyo dembiyo uu dastuurka ka galay Axmed Madoobe.

Xildhibaan Jeesow ayaa hadalkiisa ku sii daray inuu Axmed Madoobe baal maray qodobada 46, 49 iyo 50-aad ee dastuurka KMG ah.

“Axmed Madoobe wuxuu hareer maray heshiiskii Addis Ababa, isagoo hab aan sharci ahayn ku dhisay Baarlamaanka Jubaland” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Mooshinka ay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka u gudbiyeen guddoonka Golaha ayaan la ogeyn waxa laga yeelayo, iyadoo tallaabadani haddii ay meel marto ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Xukuumadda Federaalka ay tallaabo ka qaaddo mid ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

mosh1mosh2mosh3

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here