Dhageyso: Sababta Dowladda KGS Ay U Hakisey Dagaalkii Ka Dhanka Ahaa Ee Al-shabaab

0
225

Baydhabo(INO)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa faah-faahin Dheerad ah  ka bixiyey hakad ku yimid howlgalkii ka dhanka ah dagaalka lagula jiro dhinacyada kasoo horjeeda Dowadda Koofur Galbeed Soomaaliya.

ciidanka KGS O

 C/raxmaan Ibraahin Aadan Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Dowladda  Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa sheegay in hakad uu galay howlgalkaasi sababtana ay tahay in roobab ay ka da’een Gobolada KGS iyo Arimo kale. Wuxuu sheegay roobabka oo da’ay awgeed inaysan suuragal aheyn inay sii socdaan howlgalada wadooyinka lagu furaayo ee Gobolkaasi ka socday.

Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku sugan Ururka Shabaab oo dagaal adag kula soo horjeedo DFS iyo AMISOM.

Ugu dambeyntii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa isku diyaaranaya guluf colaadeed oo ka dhan ah Shabaab, si la isugu furo wadooyinka Gobolada Baay iyo Bakool oo qaar Shabaab ay go’doomiyeen.

Halkan Ka Dhageyso Radio

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here