Dhageyso:Wasaaradda Dib U Dajinta Iyo Xariirka Jaaliyadaha Ee KGS Oo Qurshe Cusub U Dajisey Barakacyaasha

0
173

Baydhabo(INO)-Gobollada Iyo Degmooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa daadsan baqolaal barakacyaal ah kuwaaso dhibeysan tan iyo markii ay burburtey Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya, ayaa Maanta Wasaaradda Dib U dajinta iyo Xariirka Jaaliyadaha Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sheegtey inay dajisey qorshe cusub oo barakacayaasha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaiya wax looga Qabanaayo.

Marwo Faamudo Xuseen Abuukaar, Wasiir ku xigeenka wasaaradda dib u dajinta iyo xariirka Jaaliyadaha ee Dowladda Koonfur Galbed Soomaaliya, ayaa sheetey, in qurshu uu ka mid yahay dib ucelinta qaxootiga degaanadii  markii hore ay soo barakaceen iyo shaqo abuur loo sameeynaayo qaar ka mid ah Barakacyaasha.

 Dowladda Koonfur galbeed soomaaliya waxay Dajisey Qorshe Cusub oo la yiraahdo (Long Term Progmme) oo wax looga qabanaayo Baracyaasha, inkastoo dowladda KGS ay tahay curdun hadana  waynu dadaaleynaa, waxaan dajiney in aan Dib u dajin rasmi ah aan u sameeyno Barakacyaasha KGS,waxyar ayaa naxayirayo oo ah Amniga, mar hore ayaan bilaabi lahayn  qurshahan, hadana waxa socdaa Tirakoobkii Barakacyaasha” ayey tiri Marwo Faadumo Xuseen abuukar,  wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Dib u dajinta iyo Xariirka Jaaliyadaha Ee  KGS.

Sidoo kale Faadumo Xuseen Abuukar waxay sheegtey in ay jiraan hay’ado ka shaqeeya Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,isla markaana dadka barakacyaasha ah siya bil weliba Lacago, waxay ku amartey hay’adahaasi inay joojiyaan arintaasi, isla markaaana waxay tilmaantey, in la iska kaashado beeraleyda barakacayaasha ahi  in dib loo celiyo.

 Hay’adaha arimahaasi wado, way ku mahadsan yihiin, koleyba waxbaa ku qasbey in lacagahaasi ay siyaan barakacyaasha Gudaha Baydhabo,waxaana sabab u ah maaamul la’aanta ka jirtay degaanadani, laakin hadda waxaan dib isla eegi doonaa arintaasi ay hay’aduhu ay sameeynayaan” Ayey tiri Mar kale Faadumo Xuseen Abuukar.

Ugu dambeyntii waxaa jira boqolaal baracyaal ah oo  ka soojeeda degaanda koonfur Galbeed soomaaliya ,oo lagu arko Gobolada Koonfurta soomaaliya, kuwaasoo lagu qiyaaso ilaa iyo 820,00 barakcyaal ah , isla markaana aan haysanin daryeel, sidoo kalena  Ururo aan dowli ahayn iyo  hay’ado ayaa waxay ku qaataan wax u qabashadooda, maalayiin dollar ah  kuwaaso aaney jirin cid la xisaabtanto isla markaana barakacyaashu  ka soo gaarto 15%, hadii qurshan Dowladda kGS Ay u dajisey Maanta Barakacyaasha uu taabigalo waxaa yaraanaya, dhaq dhaqaaqii Baracyaasha iyo isbarbaryaaca dhibaatada badan.

Halkan Ka Dhageyso Radio Idale.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here