Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud oo Shalay Galinkii Danbe warfidiyeenka Kulla Hadlay xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa la weeydiyay Arimaha uu Madaxweynaha Soomaaliya Kala Socda Magaca Cusub ee ay Saraakiisha Nabad Sugidda ay sheegeen in Loo Bixiyay al-shabab.
Xasan shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu Taageeray Hadalka Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Ee Ahaa in aan Idaacadaha Laga Maqli Karin Magac al-shabab oo ay Magacaasi Dowlada Soomaaliya u Bedeshay ‘’Ugus’’oo la Macno ah Ururka Gumadka Umadda Soomaaliyeed
Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in al-shabab ayna Mudneeyn in Loogu Yeero Magac al-shabab Kaasi oo uu sheegay in uu yahay Magac wanaagsan Sidaasinna ay Dowladda Soomaaliya Ugu Bixisay
Warbaahinta Madaxa Banan ee Soomaaliya ayaa Waxaa ay Shaki Galinayaan Ku Shaqeeynta Xaaladda hadda Jirta Haddi la Qaatto ‘’Ugus’’ oo la Og Yahay In al-shabab ayna Ogoleeyn.
Halkan Ka Dhageyso Radio Idale.
Idale News Online, Muqdisho